Puntland oo gacanta ku dhigtay xubno wax tahriibiya

Image

14 September, 2015(GO)-Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro doonaysay inay ka tahriibaan xeebaha Puntland, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen gobolada Bari iyo Sanaag.

Kulan si wadajir ah ugu qabteen Bosaso guddoomiyaha gobolka Bari, taliyaha qeybta gobolka iyo taliyaha saldhigga Boliska ee dekadda Bosaso ayay ku sheegeen inay soo qabteen Sagaal dhalinyaro doonaysan inay tahriibaan iyo dadkii fududaynayay.

Taliyaha saldhigga Boliska dekadda Bosaso Gaashaanle sare Maxamed Cali Xaashi oo ka waramay qaabka hawlgalka u sameeyeen ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo waday qorshaha dhalinyarada looga kaxaynayay dalka.

Xaashi waxa uu sheegay in dadka la soo qabtay ee wax tahriibiya uu ku jiro nin u dhashay waddanka Yemen, ayna sii wadi doonaan baaritaannada.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays "Dhedo" ayaa walidiinta ku eedeeyay inay ku lug leeyihiin bixitaanka dhalinyaradooda maadama ay dayaceen ilaalinta dhallaankooda.

Dhedo ayaa uga digay waalidiinta inay saxaafadda ka shaaciyaan warar aan sal iyo raad lahayn, balse la soo xiriiraan laamaha amniga Puntland.

Puntland waxa jooga xubno qaabilsan tahriibinta dhalinyarada, waxaana ka mid ahaa Cabdicasiis Axmed Maxamud "Dhutur" oo muddo laba bilood ah ka shaqaynayay hawshaasi, waxa uu sheegay inay kaxeeyeen labo dufcadood oo haatan qeybtood ku suganyihiin Liibiya.

Dhutur aya ciidamada amniga Puntland gacan ka siiyay sidii loo qaban lahaa xubno kale.

Dhalinyarada gacanta lagu dhigay ayaa maamulka gobolka Bari sheegeen in sharciga lala tiigsan doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM