Puntland oo go'aan kasoo saartay cudurka ka dilaacay Shiinaha

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday mowqifkeeda ku saabsan vayruska dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha.

Xanuunka Korona ayaa illaa iyo haatan dilay in ka badan 100 qof, waxaana uu ku dhacay ku dhowaad sideed kun oo ruux.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shirka golaha wasiiradda maanta oo Khamiis ah hor-geysay qaraar ku saabsan caabuqaas.

Shirka todobaadlaha ayaa waxaa gudoomiyey, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Sidda ku xusan bayaanka kasoo baxay golaha, wasaaradu waxay amartay in dadka ka imaanaya Shiinaha baaritaano dheeri ah la marsiiyo.

Shaqsiyaadka ayaa waxaa lagu baari doonaa garoomada diyaaradaha kala duwan ee Puntland, sidda ku cad war-saxaafadeedka.

Dhanka kale, wasiiradda ayaa guddi u saarey hindise-sharciyeedka Duulista oo si baalmarsan sharciga u waddo xukuumadda federaalka.

Qaar kamid ah dalalka Afrika si gaar ah Geeska qaaradda oo ay Soomaaliya ku taalo ayaa xaqiijiyey in ay karan-tiileen dad looga shakiyey caabuqaas.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM