Dowladda Puntland oo amar duldhigtay shirkadaha diyaaradaha

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay go'aano horleh kasoo saartay xakameynta safmareenka dilaaga ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga xaqiijiyey degaanada maamulka.

Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta Covid-19 oo go'aanada soo saarey ayaa ku dhawaaqay muddo bil ah oo "feejignaan dheeraad ah" si loo xakameeyo faafitaan horleh oo caabuqa sida fudud u faafa uu sameeyo.

"Waxaa muddo bil ah dib loo dhigay Imtixaanadda Dugsiyadda Sarre, Dhexe iyo Hoose si loo ilaaliyo bedqabka caafimaad ee ardeyda," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay guddiga oo uu arkay Garowe Online.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, waxaa gabi ahaanba la mamnuucay isu soo baxyadda bulshadda, kulamadda dadweynaha, iyo kulamadda caweyska/harsiga ee banaanada magaalooyinka ka dhaca.

Maamuleyaasha Masaajidada ayaa lagu wargeliyey in loo oogo salaada "si taxadar leh" isla markaana lasoo koobo khudbadaha Jimcaha loogana hadlo wacyi-gelinta halista cudurka Covid-19 ee sii kordheysa.

"Iyaddoo dhowaan la filayo in ay furmaan duulimaadyadda gudaha waxaa shirkadaha diyaaradaha la farayaa in ay dadka ku amraan adeegsiga af-xirka iyo ilaalinta nadaafadda," ayaa la raaciyey bayaanka.

Ugu dambeyntii, gaadiidleyda ayaa lagu booriyey in ay joojiyaan safarada "aan muhiimka ahayn"; ganacsatada waxaa lagu waaniyey yareynta isu imaatinka iyo shacabka oo loogu baaqay in ay hog-samaan talooyinka.

Hoos ka akhriso go'aanadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM