Xukuumadda Soomaaliya oo hal milyan oo Doolar gaarsiisay Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa xaqiijiyey in ay gudoomeen aduun lacageed dhan hal milyan oo Doolar oo ka timid xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr Xasan oo u waramay warbaahinta ayaa daboolka ka qaadey in lacagtaas oo lagu shubay akoonka dowladda loogu talagalay siddii loogu gargaari lahaa shacabka ku ceeyroobay daadadkii Qardho.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaas lagu wareejin doono mid kamid ah akoonadda laga furay Bangiyadda gaarka loo leeyahay ee loo sameeyay gurmadka xarunta Karkaar.

"Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda federaalka lacagtaas ay nasoo gaarsiisay, in ka badan waan fileynaa in ay nasoo gaarsiin doonto," ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka Maaliyadda Puntland.

Dhanka kale, qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga faaloodey lacagta loogu gurmanayo magaalada taariikhiga ah ee Qardho.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) oo loogu talo galay gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka magaalada taariikhiga ah ee Qardho," ayaa lagu yiri.

Roobab mahiigaan ah oo todobaadkan ku da'ay Qardho ayaa sababay daadad kusoo rogmaday xarunta gobolka Karkaar, waxaana ka dhashay dhimashada lix qof iyo burbur maaliyadeed oo wali la tirakoobin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM