Puntland iyo Shiinaha oo ku heshiiyey kobcinta dhaqaalaha

Image
Image
Image
Image
Image
Image

TONGXIANG, China - Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga.

Sidoo kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah.

Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah:

1. Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah.

2. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta Hay'adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic Development zone.

Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Heshiisyadani muhiim ka ah waxay qayb ka yihiin balanqaadyadii Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa kobcinta Dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, maalgashi iyo suuq u helidda Kheyraadka iyo wax soo saarka dalka.

Puntland State House

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM