Puntland oo isaga baxday Hanaankii maaliyada federaalka

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyada ee dowlada Puntland ayaa ku dhawaaqday in gebi ahaanba ay isaga baxday hanaankii furdooyinka Soomaaliya ee "SOMSAT".

Hanaankaan oo Ganacsatadu ay kusoo dalban jireen cadaynta badeecada ayaa Puntland ay u guurtay mid cusub oo iyadu ay gaar u leedahay kaasi oo ah Electronic laguna magacaabo "PUNTCAS".

Kulan 30 Augosta 2023 ka dhacay Boosaaso ayaa go'aanka looga dhawaaqay iyada oo ay kulanka ka qayb galeen wasiir xigeenka dakhliga ee wasaarada Maaliyada, wasiir dowlaha, Agaasimaha Guud iyo saraakiil kale.

Arintaan ayaa laga walaacsan yahay in ay saamayn ku yeelato hanaanka deyn cafinta Soomaaliya oo la filayay in uu meel gaaro kahor dhamaadka 2023.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM