Puntland oo isaga baxday Hanaankii maaliyada federaalka

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyada ee dowlada Puntland ayaa ku dhawaaqday in gebi ahaanba ay isaga baxday hanaankii furdooyinka Soomaaliya ee "SOMSAT".

Hanaankaan oo Ganacsatadu ay kusoo dalban jireen cadaynta badeecada ayaa Puntland ay u guurtay mid cusub oo iyadu ay gaar u leedahay kaasi oo ah Electronic laguna magacaabo "PUNTCAS".

Kulan 30 Augosta 2023 ka dhacay Boosaaso ayaa go'aanka looga dhawaaqay iyada oo ay kulanka ka qayb galeen wasiir xigeenka dakhliga ee wasaarada Maaliyada, wasiir dowlaha, Agaasimaha Guud iyo saraakiil kale.

Arintaan ayaa laga walaacsan yahay in ay saamayn ku yeelato hanaanka deyn cafinta Soomaaliya oo la filayay in uu meel gaaro kahor dhamaadka 2023.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM