Puntland oo iska fogaysay eedaha Cabdi Qaybdiid

Image

Isniin, September 22, 2014 [GO]- Wasaradda Duulista hawadda iyo Garoomadda Puntland ayaa ka jawaabtay eed dhanka Galmudug uga timi oo salka ku haysa is hortaag  lagu sameeyay garoon diyaaradeed oo sanadkii hore la hirgaliyay.

Wasiirka wasaaraddaas Xasan Cade oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay inaysan Puntland diidin garoon diyaaradeed oo laga hirgaliyay Gaalkacyo balse arrinta la isku hayaa tahay masaafada ay isku jiri karaan garoonkii horay magalada uga jiray iyo kan Galmudug ay sheegayso inay dhisatay.

Xasan Cade ayaa tilmaamay in la siyaasadeeyay arrintan balse aysan wax saamayn ah ku lahayn siyaasada dalka loona baahan yahay in laga fekero marka garoon diyaaradeed la dhisayo saamaynta uu yeelan karo.

Madaxwaynaha Galmudug oo la hadlay shalay BBC ayaa sheegay Puntland inay caburin iyo cadaadis ku hayso shacabka Galmudug, taasina ay tahay mid aan sinaba loogu dulqaadan karin, wuxuuna ku eedeeyay Puntland inay iska maamulanayso garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Qaybdiid waxa uu ku goodiyay haddii aan waxba laga qaban warqada dacwad ah ee uu ka gudbiyay Puntland uu tilaabo qaadi doono wixii ka dhashana uu masuul ka yahay Gaas.

''si looga hortago dhibaato colaadeed oo ka dhacda degaamadaas waxaan ka codsaneynaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka in garoonka qaran ee ku yaala magalada Gaalkacyo arinkiisa wax looga qabto mudo saddex bari laga bilaabo 21 September 2014 ilaa 24-ka, arintaasi cawaaqib xumadii ka dhalatana masuuliyadeeda, waxaa qaadaya hoggaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Ma jirto cid kasoo jawaabtay dhambaalka dacwada ah ee Madaxweynaha Galmudug  u diray Dowlada Federaalka, Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Yurub, waxayna arrintani kusoo aadeysa xilli xiriirka maamullada Puntland iyo Galmudug uu bilihii u dambeeyey ahaa mid aan wanaagsanayn.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM