Puntland oo iska fogaysay Eedaynta Wasiirka Kalluumaysiga DFS [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, ayaa maanta ka hadashay Eedaynta uga timid wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Dowladda Federaalka Somalia, kasoo sheegay in Puntland fashilisay shir looga hadlay saamiga Qaybsiga Kalluunka Tunada ee Bad-weynta Hindia.

Shir si wadajir ah u qabteen mas'uuliyiinta wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, ayay ku sheegeen in gabi ahaanba aysan waxba ka jirin eedaynta uga timid Wasiirka Kalluumaysiga Somalia.

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan Puntland Fashilin shirarkii ka dhacay Muqdishu iyo waddanka Seychelles ee guul kusoo dhammaadeen islamarkaana ahaayeen kuwo ay hagayeen Somalidu.

War-saxaafadeedka Puntland ayaa lagu sheegay in saami qaybsiga dakhliga Kalluunkaas wasiirka Kalluumaysiga Somalia soo jeediyay sidaa; “Wasiirku wuxuu si kalinimo ah  oo aan wada tashi lahayn u go’aamiyay saami qaybsi aan ku dhisnayn xog sugan iyo waaqaca dalka, isagoo u kala qaybshay dakhliga soo xaroon doono uuna ka dhigay in 30% saamiga ay qaadato dowladda federaalka, 70% uu noqday saamiga dowlad goboleedyada oo isku duuban (Dowladda Goboleedka kasta helo 14%).”

Puntland, ayaa tilmaamay iyadoo arrintaas ka duulaysa inay soo jeediyeen dhowr tallaabo oo lagu helo karo caddaalad si looga baaqsado tafaraaruq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM