Puntland oo isku-diyaarinaysa ciribtirka Ayaxa kasoo gudbay Yemen

Image
Ayaxan oo noociisa lagu tilmaamay African Migratory Locust ayaa laga sheegay dhulka xoolo dhaqatada gobolka Karkaar.

GAROWE, Puntland - Ayax cusub oo kasoo gudbay dalka Yaman, kuna cusub Soomaaliya ayaa ku deggay dhulka xoolo daaqeenka ee gobolka Karkaar gaar ahaan deegaanka hoos yimaada degmada Qardho.

Wasiirka beeraha Puntland Axmed Shire, Maamulka gobolka Karkaar, taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar, shaqaale ka tirsan wasaarada iyo masuuliyiim kale ayaa booqday dhulka uu ayaxu kusoo deggay.

Khuburada wasaaradda Beeraha ayaa Ayaxaan ku sheegay nooc ku cusub degaanadda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana lagu magacaabaa African Migratory Locust.

Wasaaradda ayaa hada isu diyaaarinaysa hawlgal control ah oo la gula dagaalamayo Ayaxaan iyadoo Isla asbuucan loo dirayo baabuurta iyo kooxaha la dagaalama ayaxa ee ka hawlgala xarunta la dagaalanka ayaxa ee Qardho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM