Puntland oo joojisay dhismeyaasha iyo deegaameynta dhul-daaqsimeedka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo wareegto soo saarey ayaa wuxuu joojiyey dhismeyaasha iyo deegaameynta dhul-daaqsimeedka deegaanada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Amarkan madaxweyne oo ku socday wasaarado ay kamid tahay tan Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta ayaa lagu faafiyey barta Madaxtooyada ee Facebook-ga.

"Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland," ayaa lagu yiri digreetada uu arkay Garowe Online.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto Lr. 03 kuna saabsan Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Ku: ​Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.
Ku: ​Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada
Ku: ​Wasaradda Amniga iyo DDR
Ku: ​Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Ku: ​Taliyaha Ciidanka Booliska

Ujeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland.

Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.

Wareegtadan ayaa dhaqangelaysa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Puntland ayaa kamid ah meelaha Soomaaliya ee leh dhul-daaqsimeedka, waxaana ay kamid tahay ilaha waxsooraarka waddanka ee muddooyinkii dambe ay bilaabatay in loo iib-geeyo suuqyadda caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM