Puntland oo ka carootey kulan Muqdisho uga soo qayb galeen.

Image
Image
Image
Image
Image

6 November, 2015 (GO)- Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya kulan maalmihii lasoo dhaafey uga socdey magaalada Muqdishu guddi howleedka soo diyaarinaya madasha looga arinsanayo wadatashiga qaranka ee doorashada 2016 la isku afgaran waayey.

Guddigaan oo uu garwadeen ka yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee dowlada madaxweyne Xasan Shiikh ayaa lagu soo bandhigey ergooyinka ka qayb galaya kulankaan taasoo la sheegey in Puntland ku qanci waydey.

Kulankaan ayaa lagu soo bandhigey in ergada ka qayb galeysa kulankaan tiradooda noqneyso 150 qof maamulkiiba taasoo Puntland iyo mamulada Galmudug, Hiraan, Shabeelaha Dhexe, Banaadir, Jubaland iyo Koonfur galbeed loo qoondeeyey tiro isleeg.

Wadahadalaan oo uu shir gudoomanayey Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka islamrkaana ka qayb galeen labo wasiir oo ka socda maamul walba ee Somalia ka jira, hal wakiil oo ka socda xafiisyada madaxweynaha, Ra'isal wasaaraha iyo 3 Xildhibaan oo ka socda Barlamanka Somalia ayaa waftigii ka socdey Puntland diidey tiradiidii loo soo bandhigey kasoo qayb galyaasha kulankan.

Xogogaal ka tirsan guddiyada shirka uga qayb galaya Puntland ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey ineysan wax macno ah sameyn doonin in waftiga ka qayb galey shirka Muqdishu kasoo caroodaan shaxda habqaybsiga madaama waftigii madaxweyne Gaas ku ansaxiyeen kulankii ugu dambeyey ee lagu qabtey xerada Xalane barnaamijka shaqo ee madasha looga arinsan doono doorashada 2016. Halkaan ka akhri qoraalka loogu magacdarey "MADASHA WADATASHIGA QARANKA SOOMAALIYEED  EE HANAANKA DOORASHADA SANNADKA 2016"

Dhinaca kale xogogaalkaan ayaa u sheegey Garowe online in wadada kaliya ee u furan Puntland tahay iney aqbalaan qaabka wax loo qaybiyey ama gabi ahaanba ka baxaan wadahadalada looga arinsanayo doorashada 2016.

"Waxaa isku qayb noqdey Galmudug oo ka kooban gobol iyo bar, shabeelaha dhexe, Banaadir iyo Hiraan aan maamul ka dhisneyn marka way muuqatey in sidaan ku dhamaaneyso madaama aysan waftigii uga qayb galey kulamadii hore gorgortan adag ka galin bilowgii howshaan" sidaas waxaa Garowe online u sheegey qof aad uga warhaya kulamadaan oo diidey magaciisa in aan xusno.

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magaalo madaxada Garowe ayaa la filayaa in waftigii kasoo caroodey kulanka Muqdishu warbixin ka siiyaan halka arrinku marayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM