Puntland oo ka digtay “Dastuurka cusub” ee loo sameynayo Soomaaliya

Image
Puntland ayaa sheegtay in qodobbada kooban ay u baahan yihiin dhameystir.

GAROWE, Puntland - Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka digay in wax laga beddelo dastuurka hadda jira.

Qoraal ka soo baxay Puntland, ayaa ku sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uusan awood iyo sharci u lahayn inuu "abuuro dastuur cusub."

Puntland ayaa sheegtay in qodobbada kooban ay u baahan yihiin dhameystir.

Puntland ayaa sidoo kale ka digtay in haddii la fuliyo “isku dayada lagu dhisayo dastuur cusub” aysan ilaalin doonin, aqoonsan doonin ama aysan ku dhaqmi doonin wax ka bedel dastuurka lagu sameeyay heshiis la’aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM