Puntland oo ka digtay muddo kororsi ay sameystaan madaxda DFS

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu si adag uga digay muddo kororsi ay sameystaan madaxda dowladda federaalka ah.

Hogaamiyaha dowladda Puntland oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC Soomaali ayaa hadii ay dhacdo arrintaasi wuxuu ku tilmaamay "dib u dhac" horleh.

"Hadey dhacdo waxay noqoneysaa in ay Soomaaliya dib uga dhacdo halka arrin ee u qabsoontay oo ah in doorashada la qabto xiligeeda, wax walba oo dhaca," ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, Deni oo xusay in aysan wali jirin nidaam doorasho oo lagu heshiiyey 2020-ka ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in ay waajib tahay qabsoomida doorasho.

Soomaaliya, dal dhaca Geeska Afrika, ayaa sanadkaasi waxay isu diyaarineysaa in ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taasi oo looga gudbayo nidaamka qabiilka.

Hadalka Deni ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo uu jiro guux ku aadan in madaxda dalka ay qorsheynayaa muddo kororsi sharci darro ah oo ay sameystaan.

Hadalheynta ayaa sii xoogeysatay ka gedaal markii xubnaha diyaarinaya sharciga doorashooyinka warbixin soo saareen kusoo jeediyeen arrintaasi.

Sidda ku xusan warbixinta oo uu arkay warsidaha Garowe Online, waxay dalbadeen in loogu darro laba sano oo dheeraad ah, taasi oo ay ka hor-yimadeen xubno kale.

Sikastaba ha ahaatee, hadii ay tani dhacdo waxay dharbaaxo ku noqoneysaa balanqaadkii Farmaajo ee ku aadan in waddanka doorasho ka qabsoomeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM