Puntland oo ka digtay shidaal baarista Somaland gobolka Sool

Image

09 December, 2015(GO)-Dowladda Puntland ayaa ka hadashay howlo shidaal baaris iyo sahamin isugu jirta oo maamulka Somaliland ka waddo deegaano ka tirsan gobolka Sool .

Wasiirka wasaaradda warafaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo la hadlay BBC, ayaa cadeeyay in maamulkaasi uu faraha kula jiro waxyaabo ka baxsan qaanuunka caalamiga ah, maadama Somaliland weli haysan aqoonsi siinaya inay shidaal la soo baxdo.

Soocade, ayaa xusay inay jiraan abaabul ka yimi shacabka ku nool goobaha la sheegay in shidaalka laga soo saarayo, wuxuuna ka digay qalalaaso ka dhasha.

Goobaha howaashi laga wado ayuu xusay wasiirku inay ka tirsanyihiin dhulka Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale fariin u diray beesha caalamka iyo shirkadda ajnabiga ah ee qandaraaska qaadatay, isagoo xusay inaysan masuul ka noqon doonin waxyaabaha la soo gudboonaada.

Maaha markii ugu horaysay deegaano ka tirsan gobolka Sool laga sameeyo sahamin la xiriirta shidaalka ku jira, waxaana laga wadaa deegaanka Hol-Hol.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii dagaal ku dhexmarey magaalada Galkacayo dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug kuwasoo dowlada Federaalka iyo madaxda Jubaland, Koonfur galbeed heshiis dhex dhigeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM