Puntland oo ka hadashay dufaanta MEGH [Dhagayso]

Image

07 November, 2015(GO)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta ka hadashay duufaanta la saadaaliyay inay ka dhacayso qaybo ka mid ah Somalia, gaar ahaan xeebaha Puntland oo la tilmaamay inay ku soo wajahantahay 8-da bishan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo warbaahinta kula hadlay Garowe, ayaa sheegay in xukuumadda Puntland wado dadaalo looga hortagayo dhib ka dhasha duufaantaasi.

Cabsida duufaantan, ayaa imaanaysa xilli lagu hawlanaa sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dad waxyeelo ka soo gaartay duufaanta Chapala, oo todobaadkii hore ku dhufatay qaybo ka mid ah Puntland.

Shalay 06 November, ayay ahayd markii SWALIM oo ah koox qaabilsan maaraynta macluumaadka biyaha iyo barriga Somalia, shaacisay in Somalia gaar ahaan gobolada dhaca Waqooyiga badweynta Hindia ku dhufan doonto duufaanta MEGH.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM