​Puntland oo ka hadashay eedo loo soo jeediyay [Akhriso]

Image

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay eedo dhawaan loosoo jeediyay xukuumadda iyo laamaha amniga Puntland kuwaasi oo lagu dhaliilay ku tumashada xuquuqda aadanaha gaar ahaan xilliga lagu jiro baaritaanada kasocda magaalooyinka waaweyne ee Puntland.

Eedahan, waxaa jeediyay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland iyo xildhibaano katirsan Barlamanka Somalia, waxayna Puntland ugu baaqeen inay arrintaasi joojiso kuna shaqayso shuruucda u dhagan dalka islamarkaana xaq dhowrto xuuqda asaasiga ah.

Hadaba eeddaasi ayaa keentay in war-saxaafadeed maanta soo baxay lagu beeniyo islamarkaana nasiib darro lagu tilmaamo in laa faafiyay warar aan la hubin, waxaana si gaar ah qoraalka loogu xusay xafiiska difaacaha Puntland iyo Xildhibaano katirsan Barlamanka Somalia.

Puntland, waxay sheegtay inay martigalin u samaysay dadka Somaliyeed iyadoo aan u eegayn qabiil iyo goobta ay kasoo jeedaan, waxayna dhinaca kale tilmaamtay inay si hufan uga shaqayntaas magaalooyinka waaweyn.

War-saxaafadeedka, waxaa sidoo kale baaq loogu diray dadka kasoo jeeda gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, waxaana la faray inay dagaal la galaan kooxda Al-Shabaab, halka Xildhibaanada kasoo jeeda gobolladaasi Puntland ugu baaqday inay waxyi galin u sameeyaan bulshada halkaasi ku nool.

Docda kale, waxaa qoraalkan kasoo baxay madaxtooyada Puntland looga hadlay maxaabiistii dhawaan lagusoo qabtay dagaalkii lala galay Shabaab, waxaana la sheegay in dhaqan celin loo sameeyay islamarkaana la barayo diinta Islaamka.

Qoraalkan ayaa kusoo beegmay xilli guud ahaan Puntland ka socdo howlgallo ka dhan ah Shabaab, waxaana tallaabooyinkaasi lagu soo qab qabtay dad la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxdaasi oo dhawaan duullaan kusoo qaaday Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM