Puntland oo ka hadashay Joojinta shaqada VOA-da [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo ka hadlay joojinta shaqada VOA-da ee Puntland, ayaa u sababeeyay inay ku xad gudubtay shuruucda Puntland.

Soocade oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in dalka dowladdi ka jirto, Idaacaddaasina caadaysatay dhawaanahan warar hareer marsan xeerka warbaahinta.

Waxa uu sheegay inay la tiigsan doonaan maxkamad.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay in xariga ka hor la xiriireen mas'uuliyiinta VOA-da, ayaa xusay inaysan xukuumadda Puntland u cabanayn, cidii shuruucda  ku xad gudbtana sharciga la tiigsanayaan.

Joojinta shaqada VOA-da ayaa timi xilli dhawaan wasaaradda warfaafinta Puntland mamnuucday baahinta Idaacadda ku hadashada Afka dowladda Somalia ee Radio Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM