Puntland oo ka hadashay shirka Muqdishu

Image

21 Septembar, 2015(GO)-War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland aya looga hadlay shirka muqdisho iyo sababaha Puntland uga baxday.

Qoraalka ayaan sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabihii Puntland shirka ku soo bandhigtay iyo ujeedka ka qayb galkooda.

Hoos ka akhriso war saxaafaadeedka Puntland ka soo baxay

Dawladda Puntland iyadoo ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka. Puntland waxay si rasmi ah uga soo qayb qashay shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2016 ee ka furmay Muqdisho 19 Sept, 2016.

Daahfurkii shirka  waxaa ka hadley Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna u sheegay madaxda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in Puntland  ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadasha hiigisga doorashooyinka 2016.

Madaxweynuhu wuxuu  khudbadiisa ku sheegay in ay jirto arrimo badan oo Puntland aysan raali ka aheyn isla markaasna doonayso in la saxo inta ka horaysa gudagalka hannaanka geedi socodka doorashada 2016. Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ugu baaqay beesha caalamka in ay ummadda Soomaaliyeed u noqdaan dhex-dhexaad. 

Ergadii Puntland waxay ka qeybgaleen shirkii kowaad ee guddiga farsamo ee la qabtay 19 September, waxayna Puntland u caddaysay shirka in laga doonayo DFS inay  caddayso sharciyada Maamulada qaarkood ay ku fadhiyeen taasoo DFS ku guuldaraysatay. Sidaas darteed Puntland waxay ka baxday shirka  maalintaas, kadibna waxay u diyaar garowday sidii shirka  loo sixi lahaa.

Dawladda Puntlad waxay u soo bandhigtay DFS, Dawladaha xubinta ka ah DFS iyo beesha caalamka mabaa’diida asaasiga ah iyo aragtideeda ku aadan geedi socodka dooroshada 2016 taaso ay tahay in la fulliyo ka hor doorashada.

………………………………………Dhammaad…………………………
Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland
Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel)

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM