Puntland oo cambaareysay xayiraada Kismaayo iyo is-hortaagii Shariif

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa waxay si adag u cambaareysay xayiraadda socdaalka ee xukuumadda federaalka saartay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Villa Soomaaliya ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya magaaladaas in ay soo maraan Muqdisho si hubin loogu sameeyo iyo in ay soo codsadaan duulimaadka 24-saac kahor safarkooda.

Sidoo kale, maamulka Garowe ayaa sidoo kale wuxuu talaabo baalmarsan dastuurka uu ku tilmaamay is-hortaagii lagu sameeyay madaxweynihii 7aad ee dalka Sheekh Shariif Axmed.

Shariif, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, oo la socday diyaaradda Turkish Airlines, maadaama uu Turkiga ka yimid ayaa kamid ah ka qeybgaleyaasha caleema saarka Axmed Madoobe.

Munaasabadaas oo marti kala duwan kuwaasoo isugu jira madax iyo wafuud caalami ah lagu casuumay ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 26-ka bishan September sanadka 2019-ka.

Munaasabadaas oo marti kala duwan kuwaasoo isugu jira madax iyo wafuud caalami ah lagu casuumay ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 26-ka bishan September sanadka 2019-ka.

"Puntland waxay u aragtaa [labada go'aan] ku tagrifal awoodeed iyo nasiib darro in madaxda talada haysaa ay siyaasadda u isticmaalaan awooda dowliga ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, xukuumada federaalka ayaan wali fahfaahin ka bixin is-hortaaga ay ku sameysay Sheekh Shariif oo lagu wado in xisbigiisa yo axsaabta kale ay war kasoo saaran dhacdan.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM