Wasiirka degaanka Puntland oo ka hadlay kulanka Muqdishu.

Image

MUQDISHU:  Kadib markii galabta uu burburey kulan madaxda Somalida isugu yimadeen Muqdishu ayaa idaacada Radio Graowe waxey wareysi kala yeelatey wasiirka degaanka Puntland Dr.Cali Cabdulahi Warsame oo kamid ah waftiga madaxweynaha Puntland ee ku sugan Muqdishu.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in kulankaan buburey kadib markii madaxweynaha dowlada Federaalka la yimid goobta  go'aan aan lagu heshiin.

Dr.Cali Cabdulahi Wrasame ayaa ka hadley mowqifka Puntland ee ku aadan kulanka Muqdishu uga socda madaxda Somalida.

Madaxweynaha Somalia ayaa madasha shirka ka shegeey in madaxda federaalka go'aamisey in aqalka hoose lagu soo dhiso 4.5 halka aqalka sare Puntland iyo Somaliland loogu daro mid sadex xubnood.

Go'aankaan ayaa waxaa ka horyimid maamulka Puntland iyo Jubaland halka gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Federaalka islamrkaana ah ku-simaha aqalka wakiilada Somalia Mahad Cabdalla Cawad sheegey ineysan ka warheyn hesiiska madaxweynaha Somalia xusey.

GAROWEONLINE kala soco wararkii ugu dambeeyey ee kulankaan.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM