Puntland oo ka Jawaabi doonta go’aankii Barlamanada Soomaaliya

Image

GAROWE- Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socda kulan ay leeyihiin guddi wasiiro ah oo kawada xaajoonaya jawaabtii dowlada Puntland ka bixin laheyd go’aankii Barlamanada Soomaaliya kasoo saareen shirkada DP World.

Guddigaan oo Madaxweyne Gaas u saarey iney qoraal kasoo saaraan mowqifka ay Xukuumadiisu ka qaadan karto go’aankii Barlamanada Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa iney mowqifkooda soo hordhigaan shirka Golaha Wasiirada oo la filayo in maalinta Khamiiista ka dhaco magaalada Garoowe.

Waxaa yar wararka laga helayo kulankaas balse warsidaha GO ayaa fahansan in qoraal Dabacsan xukuumadu kasoo saari doonto qaraarka Barlamanada Fedraalka kasoo shirkada DP lagaga mamnuucey iney ka shaqeyso dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa aamusnaantiisa ku aadan qaraarkaan waxaa uu eedeymo kala kulmey qaybo kamid ah shacabka Puntland gaar ahaan kuwooda isticmaala baraha bulshada.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa heshiis muddo 30 sano ah shirkada P&O oo hoos timaada DP lasoo galey sanadkii 2017 kaasoo ay maamuli doonto dekada magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa horey u diidey go’aanka Barlamaanada Federaalka Soomaaliya isagoo ku tilaamey inuusan khuseyn maamulkiisa madaama uu horey ugu dhawaaqey madaxbanaani.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM