Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Sacad Cumar Ismaaciil Geelle

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda Puntland iyo kan shacabka "waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Ismaaciil Geelle".

Madaxweyne Deni waxaa uu tiiraanyada iyo xanuunka geeridaasi la wadaagayaa, ugana tacsiyaynayaa shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle.

"Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyaynayaa geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska hogaamiyaha maamulka Garowe.

Ugu dambayn, Deni ayaa marxuumka u rajeeay inuu ALLE dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo eheladii, qoysaskii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Qoraalka oo English ah

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM