Puntland oo ka tacsiyeysay wasiir ka tirsan Jabuuti oo u dhintay Corona

Image

GAROWE, Puntland - Dowlada Puntland ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid Cali Geelle Abubakar, oo ahaa Wasiirka Maalgashiga ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Warar horudhac ah oo laga helay dhimashada marxuumka ayaa qeexaya in uu galaaftay fayruska safmareenka ah ee Corona, kaas oo dalkaas si xoogan u aafeeyay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa murugada lagula wadaagay qoyska uu ka baxay marxuumka iyo xukuumadda Jabuuti oo uu ka tirsanaa.

"Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga tacsiyaynaysaa Dowladda iyo shacabka Jabuuti geerida Alle ha u naxariistee Wasiirka Maalgashiga ee Madaxtooyada Jabouti Cali Geelle Abubakar oo maanta ku geeriyooday dalkaasi," ayaa lagu yiri.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedkan uu arkay GO, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa marxuumka Eebbe uga baryey in uu Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba waxa uu tacsi u dirayaa, eheladii asxaabtii, qaraabadii iyo Shacabka aan walaalahanahay ee Dowladda Jabuuti, gaar aan Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukumadda dalkaasi ee uu ka baxay Marxuum Ali Geelle Abubakar, wuxuuna Eebbe uga baryey inuu Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Rasuulkeenna Maxamed SCW, samir iyo imaanna ka siiyo eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii marxuumka," ayaa la raaciyey.

Puntland iyo Jabuuti ayaa leh xiriir fiican oo dhinacyadda ammaanka, ganacsiga iyo iskaashiga kaabayaasha dhaqaalaha ah, kaas oo ku dhisan danaha ay wadaagaan iyo dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM