Puntland oo ka warmurtiyeed ka soo saartay dagaalka Galkacyo

Image

22 November, 2015(GO)-War-murtiyeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay magalada Galkacyo ee sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca 50 kale.

Qoraalkan ayaa mas'uuliyadda weerarkaasi dusha looga tuuray Galmudug, waxaana lagu tilmaamay inay ku waxyeeloobeen dad maato ah.

Puntland ayaa sheegay inay ka digtay falalkan oo kale isla markaana hadda diyaar u tahay difaaca dadkeeda.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Galmudug,Cusmaan Ciise Taar-dhuleed, ayaa dagaalka Galkacyo ku eedeeyay dhinaca Puntland, wuxuuna ku eedeeyay inay mudooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah xasiloonida gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM