Puntland oo karantiishay dad horleh oo lagu tuhmay Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ee dowladda Puntland ayaa wuxuu shaaciyey in ay karan-tiileen laba qof oo looga shakiyey fayruska safmareenka ah ee Corona.

Warbixintooda maalinlaha ee 20-ka April ee sanadkan 2020 taasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayay ku xaqiijiyeen.

"Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, wuxuu ku wargelinayaa Bulshadda in aysan jirin wax kiisas cusub ah oo laga heley deegaanada Puntland maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka April 2020," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay raaciyeen: "Waxaa jirta labo qof oo maanta la karantiilay, kuwaasi oo laga qaaday baaritaankii, jawaabtoodana la sugayo".

Dhanka kale, xubno ka tirsan Guddiga ayaa maanta waxay kulan la qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka u qaabilsan Covid-19.

"Xildhibaanada waxaan iska wareysanay xaaladda Covid-19 ee Puntland , diyaar-garowga iyo wacygelinta la sameeyay, caqabadaha jira iyo fursadaha looga gudbi karo sida in Bulshadu u hoggaansamaan fariimaha iyo tallooyinka Caafimaad iyo in qof walba door ka qaato in uusan xanuunku faafin," ayuu ku daray war-saxaafadeedka kasoo baxay guddiga.

Shalay ayay ahayd markii Puntland ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay oo ah cudurkaas faafa. Muwaadin aan safar-gelin ayuu soo ritay, kaas oo la sheegay in uu ku jiro gacanta dowladda.

Xukuumadda oo dardargelisay talaabooyinka looga hortagayo caabuqa dilaaga ah ayaa xoojisay wacyi-gelinta dadweynaha, gaar ahaan in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah iyo in aysan kulmin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM