Golaha Wasiirada PL oo mamnuucay ka ganacsiga hubka

Image

Sept 11, 2014 (Garowe Online)- Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland waxaa qodobada maanta lagu gorfeeyey kamid ahaa: xaaladda ammaanka, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, xaaladda abaaraha iyo dib u habaynta ciidamada nabadgelyada waddooyinka.

Ugu horeyn wuxuu goluhu warbixin ka dhegeystey laamaha ammaanka, waxaana laga dooday waxa la fili karo kadib dika hogaamihii Al-shabab. Goluhu wuxuu isla qaatay in si aad ah loo adkeeyo ammaanka xuduudaha Puntland.

Go'aannada shirka kasoo baxay waxaa kamid ahaa in la mamnuucay ka ganacsiga hubka, ganacsatada reer Puntland ayaa la faray in laga bilaabo maanta aanay lasoo degi karin kana sii ganacsan karin hubka dhammaan noocyadiisa kala duwan.

Dhan kale, waxaa arrimihii maanta Golaha Wasiiradu shirkooda todobaadlaha ah ku gorfeeyeen kamid ahaa Ciidamada Nabad Gelyada Wadooyinka ee Puntland (Taraafikada). Xubnaha golahu waxay isku raaceen inay lagama maarmaan tahay in la tayeeyo ciidamadaas tiradoodana la kordhiyo.

Xaaladda abaaraya ayaa layska waraystay xilli deegaanada qaar ay roobab fiicani ka da'een welina uu socdo gurmadkii biyo dhaamiska ahaa ee loo samaynayey dadka abaartu saamaysay.

Ugu dambeyntii waxaa warbixino laga dhegeystay madaxda wasaaradda cadaalada, waxaa sidoo kale magaca laga bedelay Wasaarada Waxarashada iyo Barbaarinta oo loo bedeley Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM