Puntland oo ku dhawaaqday guddi la tacalaaya xaalado soo kordhay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ahna ku simaha Madaxweynaha, ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo Dowladdu ka yeelatay roobabkii da'ay.

Shirkan oo uu gudoonka ka ahaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Labada Gole Dowladda, Hay’adda Wadooyinka, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee HADMA, deeq-bixiyeyaal iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda.

Isu imaatinka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinada hordhaca ah ee laga hayo khasaaraha guud ee ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay kamid tahay Wadooyinka go’ay.

Jidadka ayaa waxaa Wadada Lafa Goroyo ee Gobolka Gardafuu, Wadada Laasqoray-Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe.

Karaash ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo, oo ka shaqeynaya wax ka qabashada khasaarihii iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku baaqay Dowlad, Shacab iyo Hay’addaha deeqaha bixiya in la isu taago sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan.

Meelaha xaaladdaha adag ka jiraan ayaa waxaa kamid ah Gobolka Gardafuu, halkaas oo la sheegayo in isu socodka uu yahay mid aad u adag maadaama wadooyinka ay go'een.

MUUQAALKA KARAASH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM