Puntland oo ku dhawaaqdey kiisas cusub oo ah Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga faafitaanka Coronavirus ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay soo kordheen shan kiis cusub oo ah fayruska dilaaga ah ee Corona.

Jaamac Faarax Xasan, wasiirka caafimaadka oo guddiga ka tirsan kaasoo la hadlay warbaahinta, ayaa afar kamid ah bukaanada cusub ku sheegay rag, qofka kelana waa dumar.

Natiijada baairtaankan ayaa kasoo baxday tijaabo lagu sameeyay sheybaarka lagu ogaado caabuqa ee laga hirgeliyey Puntland kaasoo yaala magaalada Garowe.

Sidda laga soo xigtay wasiir Xasan, qaar kamid ah shaqsiyaadka laga helay caabuqa ayaa xiriir la sameeyay qofkii ugu horeeyay ee uu soo ritay xanuunkaas safmareenka ah.

"Dhamaantooda xiriiradooda waa la hayaa, waana lala socdaa dhaqdhaqaaqooda," ayuu wasiirku raaciyey hadalkiisa intii lagu guda jiray shirka jaraa'id ee uu qabtay caawa.

Shanta qof ee ay Puntland xaqiijisay in ay ka heshay fayruska oo tirada guud ka dhigeysa lix ayaa kamid ahaa 11 ruux oo maalmihii lasoo dhaafay la baarey lana sugeyay natiijadooda.

Sidda ku xusan warbixinta guddiga, dhamaantooda ma aysan gelin wax safar ah saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo macnaheedu yahay in dalka gudahiisa lagu qaad-siiyey.

Ugu dambeyntii, guddiga ayaa cod dheer kaga codsaday dadweynaha Puntland in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah iyo in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada iyo ka hortagga caabuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM