Puntland oo ku dhawaaqdey kiisas cusub oo ah Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga faafitaanka Coronavirus ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay soo kordheen shan kiis cusub oo ah fayruska dilaaga ah ee Corona.

Jaamac Faarax Xasan, wasiirka caafimaadka oo guddiga ka tirsan kaasoo la hadlay warbaahinta, ayaa afar kamid ah bukaanada cusub ku sheegay rag, qofka kelana waa dumar.

Natiijada baairtaankan ayaa kasoo baxday tijaabo lagu sameeyay sheybaarka lagu ogaado caabuqa ee laga hirgeliyey Puntland kaasoo yaala magaalada Garowe.

Sidda laga soo xigtay wasiir Xasan, qaar kamid ah shaqsiyaadka laga helay caabuqa ayaa xiriir la sameeyay qofkii ugu horeeyay ee uu soo ritay xanuunkaas safmareenka ah.

"Dhamaantooda xiriiradooda waa la hayaa, waana lala socdaa dhaqdhaqaaqooda," ayuu wasiirku raaciyey hadalkiisa intii lagu guda jiray shirka jaraa'id ee uu qabtay caawa.

Shanta qof ee ay Puntland xaqiijisay in ay ka heshay fayruska oo tirada guud ka dhigeysa lix ayaa kamid ahaa 11 ruux oo maalmihii lasoo dhaafay la baarey lana sugeyay natiijadooda.

Sidda ku xusan warbixinta guddiga, dhamaantooda ma aysan gelin wax safar ah saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo macnaheedu yahay in dalka gudahiisa lagu qaad-siiyey.

Ugu dambeyntii, guddiga ayaa cod dheer kaga codsaday dadweynaha Puntland in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah iyo in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada iyo ka hortagga caabuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM