Puntland oo ku gacan-seyrtay eedeynta Hay’adda UNICEF

Image
Xukunka dilka ah ayaa dhacay 17-kii Agoosto, markaasoo toban nin lagu dilay toogashada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa beeniyey eedeymo ay soo saartay hay’adda UNICEF oo ku aadan in ay xukun dil ah ku fulisay afar qof oo la sheegay in ay ahaayeen carruur yar yar.

Xukunka dilka ah ayaa dhacay 17-kii Agoosto, markaasoo toban nin lagu dilay toogashada. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggan lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysan jireen magaalada Gaalkacyo.



Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in xukunka dilka ah loo fuliyay si waafaqsan nidaamka sharciga ah oo ay ku jiraan baaritaano adag iyo dib u eegis badan.

Waxa uu xusay in shaqsiyaadka la xukumay la siiyay fursad saddex sano ah oo ay racfaan kaga qaadan karaan xukunka lagu riday.


UNICEF iyo hay’adaha kale ee u dooda xuquuqul insaanka ayaa in badan ku dhaliilay Puntland iyo Soomaaliya sida ay ula dhaqmaan maleyshiyaadka xagjirka ah.

Waxay u doodaan in loo beddelo caddaaladda dhaqancelinta halkii lagu ciqaabi lahaa dil toogasho ah, gaar ahaan kuwa aan qaan-gaarin markii ay dembi galeen.

 Amnesty International ayaa sheegtay inay sare u kacday dilalka Soomaaliya, iyadoo 38 dil la diwaan galiyay sanadkii hore marka loo eego 2022 lix oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM