Puntland oo la wareegtey qalab caafimaad oo Australia ku deeqday

Image
Image
Image
Image

March 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta guddoomay qalab caafimaad oo uu dalka Australia ka keenay Wasiir dawlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Cumar.

Xaflad kooban oo loo qabtay wareejinta qalabkan kana dhacday  madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Saadiq Eenoow, Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan  iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Madaxweynaha  ayaa sheegay in qalabkan baahi weyn loo qabay, wax badanna uu ka baddeli doono daryeelka caafimaadka bulshada reer Puntland.

"qof walba oo haya shaqo dawladeed ama mid bulsho waxaa lagu qiimaynayaa laguna xasuusan doonaa markii uu meesha ka tago waxaa uu hayey iyo waxa uu suubiyey, Maxamed Cabaas isagoo wasiir dawle madaxtooyo ah shaqadiisana aysan aheyn hadii uu intaas oo qalab ah keenay aad iyo aad ayuu ugu mahadsanyahay" ayuu yiri.

Madaxweyne Gaas ayaa Madaxda Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland ka dalbaday in qalabkaan caafimaad sida uu yahay ay ugu faa'iideeyaan shacabka reer Puntland islamarkaana gaarsiiyaan meelba meesha ay uga baahi badantahay.

Qalabkaan ayaa waxaa ay isugu jiraan daawooyin, sariiro casri ah oo lagu jiifiyo bukaannada, mashiino nooca  Oxygen-ka iyo sidoo kale mashiino loogu talagalay in lagu daweeyo kelyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM