Puntland oo laga diiwaan galiyay Askar tababar loogu qaadayo Muqdishu {Dhagayso}

Image

MUQDISHU, Somalia- Dhamme Cabdiraxmaan Shiikh Cumar(Jeeni qaar) oo ah u qaabilsanaha dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliy ee Puntland ayaa sheegay in ciidamado gaaray Saddex Kun oo Askari laga qoray deegaanada maamulkaas si tababar ugu qaataan caasumadda Somalia.

Jeeni-qaar ayaa dhawaan safar ku maray magaalooyin katirsan Puntland isagoo la kulmay madaxda dowladda iyo taliyaha ugu sareeya ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay intii uu Puntland joogay in uu kulamo la qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Guddigii waday diiwaan galinta ciidamada tababarka loo furi doono.

Dhamme Jeeni Qaar ayaa cusub in ciidankan uu kamid yahay kuwii horay loo ballan qaaday islamarkaana ay noqon doonaan ciidamo qaran.

Tababarka ayuu tilmaamay inay ku qaadan doonaan saldhigga Military ee Turkigu ka dhisay Muqdishu

Waxa uu sidoo kale ka hadlay dagaaladii soo noq noqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo isagoo xusay inay tahay arrin laga xumaado oo aysan u dul qaadan doonin hadii ay yihiin ciidanka xoogga dalka, isagoo taas badalkeeda bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan hormarka.

Ugu danbeyn Mar wax lagaweydiiyay in tababarada ciidamada ay fursad ooga bannaan tahay dhalinyarada ayaa tibaaxay inay ka qayb qaadan doonaan.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli shirarkii Madasha lagu shaaciyay in la dhisi doono ciidamo leh summad qaran oo laga soo kala xulo dhammaan deegaanada Somalida si looga kaaftoomo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM