Puntland oo laga helay kiisas horleh oo ah xanuunka Covid-19

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen 11 kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 136 ayaa waxay kala joogaan Nugaal iyo Karkaar, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee guddiga xakameynta cudurka.

Sidda laga soo xigta warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, Nugaal waxaa ku sugan todoba bukaan, Karkaar-na waa afar.

Tani ayaa ka dhigan in xaaladaha caabuqa ee degaanada Puntland ay ku dhow yihiin 200, taas oo suurtagal ay tahay in sarre uga kacdo saacadaha soo aadan.

Sidda lagu xaqiijiyey qoraalka kasoo baxay guddiga, todoba kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu haleelay xanuunka ayaa ah Lab ama Rag, afarta kelana waa dumar ama Dhedig.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay lama soo warin wax dhimasho ah. Wadarta geerida wali waa shan, tirada bogsatay waxay wali ku taagan tahay saddex.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM