Puntland oo laga xusay maalinta nabadda aduunka

Image

Axad, Sept 21, 2014 [GO]- Puntland ayaa maanta si weyn looga xusay maalinta nabadda aduunka oo ku astaysan 21-ka September.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxmad Gaas oo fariin ku aadan nabadda aduunka u diray shacabka ayaa sheegay inay aqoonsadeen xuska maalintaasi isla markasna ay muhiim tahay dadku inay qaataan.

''Puntland waxay balan qaadeysaa in ay ku dadaasho oofinta axdiga caalamiga ah ee la xiriira maalinta nabaddaAdduunka ee ku began maanta oo ah 21 bisha sagaalad ee sanada 2014'' Madaxweyne Gaas ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey ''Waxaan Ilaahey ka baryayaa kana baryi doonaa in Soomalida iyo ummaddaha kale ee ku dhaqan adduunka oo idil uu ku barakeeyo nabad waarta, sidoo kalena waxaan ka codsanayaa in ummaddeena ay  Ilaahey weeydiistaan nabad waarta.''

Docda kale munaasabado maalinta nabadda caalamka lagu qadarinayo ayaa lagu kala qabtay wasaraddaha Haweenka, amniga iyo xarunta PDRC waxana dhamaan laga soo jeediyay khudbado la xariira ka shaqaynta nabadda iyo iskaashiga si looga baxo dib u dhaca Somalia ku yimi wax ka badan 20-sano.

Qaramada Midoobay ayaa sii fidisay baaqa nabadda aduunka 2011 waqtigaas oo dalal badan laga xusay lagana soo dhaweeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM