Puntland oo laga xusay maalinta nabadda aduunka

Image

Axad, Sept 21, 2014 [GO]- Puntland ayaa maanta si weyn looga xusay maalinta nabadda aduunka oo ku astaysan 21-ka September.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxmad Gaas oo fariin ku aadan nabadda aduunka u diray shacabka ayaa sheegay inay aqoonsadeen xuska maalintaasi isla markasna ay muhiim tahay dadku inay qaataan.

''Puntland waxay balan qaadeysaa in ay ku dadaasho oofinta axdiga caalamiga ah ee la xiriira maalinta nabaddaAdduunka ee ku began maanta oo ah 21 bisha sagaalad ee sanada 2014'' Madaxweyne Gaas ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey ''Waxaan Ilaahey ka baryayaa kana baryi doonaa in Soomalida iyo ummaddaha kale ee ku dhaqan adduunka oo idil uu ku barakeeyo nabad waarta, sidoo kalena waxaan ka codsanayaa in ummaddeena ay  Ilaahey weeydiistaan nabad waarta.''

Docda kale munaasabado maalinta nabadda caalamka lagu qadarinayo ayaa lagu kala qabtay wasaraddaha Haweenka, amniga iyo xarunta PDRC waxana dhamaan laga soo jeediyay khudbado la xariira ka shaqaynta nabadda iyo iskaashiga si looga baxo dib u dhaca Somalia ku yimi wax ka badan 20-sano.

Qaramada Midoobay ayaa sii fidisay baaqa nabadda aduunka 2011 waqtigaas oo dalal badan laga xusay lagana soo dhaweeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM