Puntland oo mamnuucdey dhisidda Taawarada cusub ee Isgaarsiinta

Image
Wasaaradda Deegaanka, Daaqa, iyo Isbedelka Cimilada dowladda Puntland ayaa soo saartey amarkan.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa mamnuucdey Dhisidda Taawarada Cusub ee Isgaarsiinta, sidda laga soo xigatay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka, Daaqa, iyo Isbedelka Cimilada.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Ku: Dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta ee Puntland
0g: Wasaaradda Warfaafinta Puntland
0g: Taliska Booliska Puntland
Og: Guddoomiyayaasha Gobolda Puntland

Ujeeddo: Joojin Dhisidda Taawarada Cusub ee Isgaarsiinta

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa, iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland waxay amraysaa in dhammaan shirkadaha isgaarsinta ay si degdeg ah u joojiyaan dhisidda taawarada isgaarsiinta cusub ee xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka ilaa laga hubiyo in dhismaha taawarada cusub aysan waxyeello u geysan deegaanka iyo bulshada.

Sida la ogyahay, waxaa kordhaya cabashada ay wasaaradda u soo gudbinayaan dadka degan xaafadaha taawarada isgaarsiintu ku dhexyaallaan kuwaas oo aan horey loogu sameyn cilmi-
baaris saamaynta ay ku leeyihiin dadka iyo deegaanka. Cabashada ugu badan waa halista shucaaca electromagnet-ga ah, buuga matoorada iyo dabaysha oo keenta dhibaato caafimaad, iyo bilic-xumada magaalada.

Wasaaradda oo fulinaysa sharciga sahminta saameynta deegaanka (Environmental and Social Impact Assessment Act) waxay amraysaa in shirkadaha isgaarsintu raacaan habraacyada sharci ee deegaanka, isla markaana ay howlgeliyaan khuburo madax-bannaan oo soo diyaarisa daraasadaha sahminta saameynta deegaanka iyo bulshada.

Fulin Wacan

Wasiirka Waasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda , Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM