Puntland oo mar kale ka digtay isticmaalka bacda

Image

Isniin, Sept 15, 2014 (Garowe Online)- Mamulka magalada Garowe ayaa bilaabay olole ka dhan ah bacda oo horay Puntland go'aan lagu joojiyano usoo saartay.

Magalada Garowe oo ah xarunta Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxaa laga dareemayaa barnaamijkan bacda lagula dagaalamayo, sida uu Radio Garowe u sheegay Xoghayaha Dowladda Hoose Qaasim Maxamad Cabdi.

Qaasim ayaa tilmaamay inay muhiim tahay qaadashada go'aanka dowladda ee lagu joojiyay isticmaalka iyo ka ganacsiga bacda oo la aaminsan yahay inay saamayn xun ku yeelatay deegaanka iyo xoolaha. Waxuu intaas raaciyey in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu arko iyadoo isticmaalaysa bacda.

''ciddii aanu ku helno iyagoo isticmaalaya bacda tallaabo sharciga waafaqsan ayaan ka qaadaynaa sida ganaaax, meheradda oo laga xiro, shatigoo laga qaado iyo xarig...hadda waxaan wadnaa olole bacda looga aruurinayo magalada Garowe waana sii wadaynaa'' Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa yiri.

Dowladdii hore ee Cabdiraxmaan Farole ayaa go'aan adag kasoo saartay isticmaalka iyo ka ganacsiga bacda balse go'aankaas ayaa noqday mid aan si toos ah u dhaqan galin.

Gollaha wasiradda Xukumadda Gaas ayaa dib usoo cusboonaysiiyay qaraarka looga hortagayo bacda, mana  muuqato ilaa iyo hadda wixii ay dadku bacda bedelkeeda isticmaali lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM