Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Image
Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada ayaa manta si rasmi ah u daahfuray Shirka Falanqaynta iyo Ansixinta qaab-dhismeedka Mashruuca oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adda UNCDF.

Shirkaan waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeen wasaarada Qorsheynta, Wasiiru dowladaha wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud Xarunta maaraynta xogta dhulka iyo Biyaha Puntland. 

Madaxda kala duwan ee ka soo qaybgashay shirka ayaa soo dhoweeyey mashruucaan, iyagoo muujiyey muhiimada mashruuca uu u leeyahay yaraynta iyo la qabsiga saamaynta isbedelka cimilada. 

Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxamaan Faroole oo shirka daahfuray  ayaa sheegay in ‘mashruuca LOCAL uu salka ku hayo cahdiga caalimiga ee (Paris Agreement) iyo qodabadii ka soo baxay shirarkii isbedelka cimilada ee (COP) ee arimaha Isbedelka Cimilada aduunka”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ‘Mashruucaan uu awooda saarayaa xoojinta bulshda ee la qabsiga iyo udkaysiga saamaynta isbedelka Cimilada, dayactirka dhuldaaqsimeedka, awood siinta degmooyinka sidii ay qorshayaashoooda hortabinta u leh ugu darsan lahaayeen arimaha deegaanka, iyo kor u qaadista aqoonta iyo wacyiga bulshada ee arimaha deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM