Puntland oo maxkamad soo taagtey rag "qirtey" dilal iyo qaraxyo

Image
Maxkamadaynta raggaan oo weli socota ayaa la filayaa in maalmaha soo socota lasoo gabagabeeyo.

GAROWE, Puntland – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa lasoo taagay afar nin oo ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen shabakad kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, kuwaas oo magaalada Bosaso ka geysan jiray qaraxyada iyo dilalka.

Raggaan ayaa maxkamada horteeda ka qirtay dambiyada lagu eedeeyay oo ay ku jiraan, qaraxyadii Bosaso lagula eegtay kolanyo la socotay madaxweynaha Puntland oo ay ku geeriyoodeen labo askari, dilkii Suldaan Muuse Koonte oo sannadkii 2019 lagu dilay isagoo ku jira salaadii jumcaha.

Raggaan ayaa qirtay dambiyada lagu eedeeyay waxaa kamid ah qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Bosaso, sida qaraxii lagu dilay labo caaqil oo kamid ahaa ergadii doorashada ee kursiga Hop#169 iyo dhaawaca afar kale.

Maxkamadda waxay sheegtay raggaan in ay markii hore wax ku dili jireen magaca kooxda Daacish, balse markii dambe ay u wareegeen kooxda Al shabaab.

Waxay sidoo kale ku eedeysan yihiin inay kamid ahaayeen dadkii ka qeyb qaatay weerarkii xabsiga Bosaso lagu qaaday sannadki hore.

Waxay maxkamaddu shaacisay liis dad ah oo ay ku jiraan masuuliyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo madax dhaqameed u qorsheysanaa inay ku qaarijiyaan magaalada Bosaso.

Maxkamadaynta raggaan oo weli socota ayaa la filayaa in maalmaha soo socota lasoo gabagabeeyo.

Magacyada eedeysanayaasha ayaa kala ah Jaamac Aadan  Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Booos Mohange iyo Maxamed Abshir Muuse Olyo.

Dowladda Puntland ayaa ka mid ah meelaha sida muuqata loogula dagaalamay ururada Argagixisada ah sida Daacish iyo Al Shabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah buuralayda gobolka Barri ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM