Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan ka qayb-galayn shirka golaha wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-gobolleedyada kaasoo toddobaadka soo socda ka furmaya Muqdisho, iyagoo sheegay inay diideen inay aqoonsadaan dowladda federaalka.

Wasiirka warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay waajib ku tahay in ay ilaaliso qaab dhismeedka sharciga ka hor inta aysan Puntland ka fiirsan ka qeyb galka wada xaajoodka arrimaha dastuurka.

“Annagu ma aqoonsanin sharci ahaanshaha dowladda hadda jirta, yaa nagu marti qaadaya in aan wadahadal la yeelaneynaa, in aan sharciga u soo laabano ayaa ugu muhiimsan, markaas ayaan wada hadal la geli karnaa, iyaga oo aan wax lug ah ku lahayn Puntland ayay soo abaabuleen xafladooda,” ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in shir madaxeedka uu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo looga wada hadli doono dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Inkastoo Puntland iyo Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Maxamed Farmaajo ay ka soo horjeesteen, haddana Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa 30-kii bishii Maarso ansixiyay wax ka bedelka 4-ta qeybood ee ugu horreeya dastuurka KMG ah ee ka kooban illaa iyo 15-ka cutub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM