Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan ka qayb-galayn shirka golaha wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-gobolleedyada kaasoo toddobaadka soo socda ka furmaya Muqdisho, iyagoo sheegay inay diideen inay aqoonsadaan dowladda federaalka.

Wasiirka warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay waajib ku tahay in ay ilaaliso qaab dhismeedka sharciga ka hor inta aysan Puntland ka fiirsan ka qeyb galka wada xaajoodka arrimaha dastuurka.

“Annagu ma aqoonsanin sharci ahaanshaha dowladda hadda jirta, yaa nagu marti qaadaya in aan wadahadal la yeelaneynaa, in aan sharciga u soo laabano ayaa ugu muhiimsan, markaas ayaan wada hadal la geli karnaa, iyaga oo aan wax lug ah ku lahayn Puntland ayay soo abaabuleen xafladooda,” ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in shir madaxeedka uu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo looga wada hadli doono dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Inkastoo Puntland iyo Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Maxamed Farmaajo ay ka soo horjeesteen, haddana Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa 30-kii bishii Maarso ansixiyay wax ka bedelka 4-ta qeybood ee ugu horreeya dastuurka KMG ah ee ka kooban illaa iyo 15-ka cutub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM