Puntland oo qabatay doonyo waday kalluumeysi sharci daro ah

Image
Image
Image
Howlgal ay sameeyeen ciidamada Badda Puntland ayaa gacanta lagu soo dhigay doonyahan.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda kallluumaysiga iyo khayaraadka Badda Puntland oo kaashanaysa ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa gacanta kusoo dhigtay Dooni kalluumaysi oo si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Puntland.

Wasiirka kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Dr. Rashid M. Yusuf ayaa isaga oo dhiirigelinaya ciidanka ilaalada xeebaha iyo shaqaallaha wasaaradda waxa uu dul tegay Doonida ay ciidanku soo qabteen.

Kormeerkaan waxaa ku weheliyey wasiirka agaasimaha waaxda hormarinta kalluumaysiga Sumayo Jaamac Maxamed, Isu-duwaha wasaaradda kalluumaysiga ee gobalka Bari Axmed Cafash iyo khuburo katirsan wasaaradda.

Wasiirka ayaa la tusay Dukumiintiydda ruqsada ee Doonta oo ah mid la dhaafay xiligii sharcigu siinayey inay ku kalluumaysato taasi oo xad gudub ku ah sharciga ogolaanshaha kalluumaysiga ee xeebaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa horay u ballan qaaday in xukuumadu xooga saari doonto sidii loola dagaalami lahaa kalluumaysiga sharcidaradda ah si loo ilaaliyo khayraadka ku jira baddaheena.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM