Puntland: Doonyo loo qabtey kalluumeysi sharci darro ah

Image

GAROWE, Puntland - Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo dhanka Badda ah ka fuliyey deegaanada Tooxin, Baargaal, Gunbax, Xaafuun iyo Foocaar.

"Waxaa lagu soo qabtay hawlgalladaasi Doonyo dhawr ah oo sifo sharci daro ah uga kalluumaysanaayey deegaanada kor ku xusan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska PMPF-ta.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF waxay mar kasta diyaar u yihiin horumarinta dedaaladda lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dhamaan degaanada iyo xeebaha Puntland buur iyo banaan".

Biyaha Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa in ay kamid yihiin baddaha caalamka ee ay ka dhacaan falalka ugu badan ee kalluumeysiga sharci daradda ah.

Dalal badan ayaa ciidamo u soo diray badda Soomaaliya ayaga oo sheegaya in ay ka qeybqaadanayaan howlgaladda looga hortagayo shufta badeeda iyo kalluumeysiga sharci darada ah.

Wadamadaas oo reer galbeedka u badan ayaa dhankooda waxaa lagu eedeeyaa in ay qeyb ka yihiin falal kalluumeysiga sharci daradda - si daaha gedaashiisa ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in uu diyaarisey nidaam suurtagalinaya ka hortagga falalka sharci darada iyo dambiyadda badaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM