Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Image
Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

GAROWE, Puntland - Cutubyada Badda ee Ciidamada PMPF, oo si joogto ah u wada gulufyo lagu sugayo amniga Badaha Puntland ayaa hawlgallo lixaad leh ka sameeyey todobaadkan guud ahaan Xeebaha Degmooyinka Puntland, kuwaasi oo lagu qabtay Maraakiib, Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii. 

Gaadiidkan badeed ee ciidanku qabteen waxa ay isugu jireen kuwo sifo sharci daro ah u kalluumaysanaayey, kuwo looga shakiyey Burcad Badeed iyo kuwo aan haybtooda la aqoon oo ciidamada gaar ka ahi ka hawlgaleen, si qorshahooda loo caddeeyo.

Ciidamadu waxa ay u diran yihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda, si loo helo Amni, xasilooni iyo hurmar waara.

Dhanka kale,Saraakiil ka tirsan Ciidamada PMPF ayaa ka qayb-galay tababar muddo Shan beri ah u socdey Saraakiisha qaybo ka mid ah ciidamada Amniga gobolka Bari, gaar ahaan Boosaaso, kaasi oo ay iska kaashadeen Ciidanka Booliska Adduunka ee INTERPOL HQ iyo hay’adda EUCAP Somalia.

Muddada uu socdey tababarku waxaa ciidanka lagu layliyey sugidda Amniga Dekedaha ee adeegsiga xeeladaha baadhitaanka iyo talaabooyinka la qaado, isticmaalka qalabka lagu sugo Amniga Dekedaha, habka ugu wanaagsan ee baaritaanka Baabuurta, sugidda Amniga Badaha, tabta aqoonsiga Qaraxyada, isticmaalka qalabka HAZMAT ee difaaca nafta xilliyada baaritaanka dembiyada iyo fullinta Hawl-gallada ka dhan ka ah Argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM