Puntland oo qabatay shaqsiyaad looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo

Image

BOOSAASO, Puntland – Hay'addaha amniga Puntland ayaa Arbacada maanta ah shaaciyey in ay magaalada Boosaaso ku qabteen sideed ruux oo looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo.

Saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkan laga soo qabtay suuq ku yaala xarunta gobolka Bari.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la tuhunsaneyaasha, oo baaritaao dheeraad loo diray, ay wateen hub badan.

Mas'uuliyiinta oo tibaaxay in ay saxaafada u soo bandhigi doonan raggaan ayaa xusay qabashadooda ay ka dambeysay markii ay heleen macluumaadka ku saabsan eedeysaneyaasha.

Baaritaanka kadib waxaa qorshuhu yahay in lagu bilaabo maxkamadeyn laguna qaado kiisaska lagu haysto.

Magaala madaxda ganacsiga Puntland waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgalo lagu xaqiijiyo nabad-gelyada.

Qabashada xubnahaan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyaddoo muddooyinkii dambe ay magaalada ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga oo ay sheegteen xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM