Puntland oo "qabatay" xubno Al-Shabaab iyo amiirkooda

Image

GAROWE, Puntland – Ciidamadda si gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ee PSF oo howlgallo ka sameeyay gobolka Bari ayaa shaaciyey in ay gacanta kusoo dhigeen xubno ka tirsan maleyshiyadda Al-Shabaab.

Howlgaladdan qorsheysanaa ayaa waxay ciidamaddu ka sameeyeen degaanadda Maraje, Booj iyo Dhagax-dhaabur ee Buuraha Cal Madow.

Sidda uu baahiyey telefishinka ku hadla afka dowladda Puntland, xubnaha lasoo qabtay waxay isugu jiraan dagaalameyaal iyo amiirkooda.

Balse, TV-gu ma uusan baahin tiradda maleyshiyadda nolosha lagu soo qabtay iyo magacyadda dagaalameyaasha si lamid ah hogaankooda.

"Xubnahan lasoo qabtay waxay ahaayeen kuwa qaraxyada dhigi jiray wadda isku xirta tuulada Garan, Bali-khadar iyo magaaladda Galgale," ayaa lagu yiri warbixinta uu sii daayey Puntland State Television.

Ciidamadda PSF-ta ayaa fariisimo gaar ah waxay ku leeyihiin tuulada Garan, Bali-khadar iyo magaaladda Galgale halkaas oo ay ka fuliyeen howlgalo lagu baacsanayo maleyshiyada Al-Shabaab iyo Daacish.

"Howlgalka ay sameyeen ciidamadda difaaca dowladda Puntland ee PSF ayaa qeyb ka ah kuwa lagu soo afjarayo joogitaanka maleyshiyadda Al-Shabaab ee Buuraha Cal Madow," ayuu TV-ga warbixintiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM