Puntland oo qabatay xubno lagu tuhmayo Al-Shabaab

Image

BOOSAASO, Puntland – CIidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Bari waxay kusoo qabteen shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Ciidamada PSF iyo PMPF ayaa lagu caddeeyay in howlgaladaas ay ka dhaceen wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo Galgala laguna beegsanayey shabakad qaraxyo dhigta.

Hasa ahaatee, taliska ma uusan kala caddeyn tiradda saxda ah ee la tuhunsaneyaasha ay gacanta ku dhigeen. Balse, waxaa la rajeynayaa in maxkamad lasoo taago xubnaha ay ku cadaato eedaha loo haysto.

"Ciidamada PSF iyo PMPF ayaa si wada jir ah hawlgal uga fuliyey degaanada Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Cal Madow, hawlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loo afjari lahaa xubno ka tirsan Al Shabaab oo miinooyin iyo qaraxyo ku aasa wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo Galgala," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Hawlgalkan oo si guul leh ugu soo dhamaaday ciidamada ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab".

"Ciidamada difaaca Puntland way sii wadi doonaan gulufkooda ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddan ka caaggan falalka argagixisanimo," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamadda ammaanka Puntland ayaa sarre u qaadey howlgaladda ay ku xaqiijinayaa nabad-gelyadda taas oo qeyb ka ah dedaalada loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka heer federal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM