Puntland oo rajeyneysa in dib loo bilaabo balaarinta dekada Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in ay maamulka shirkadda DP World kala hadleen siddii dib loogu bilaabi lahaa balaarinta dekadah Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka maxaliga ah ee Saab ayuu sidoo kale kaga hadlay qorsheyaasha kaga degan maleeyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Goolis.

Argagixisada ayuu meesha ka saarey in ay joogitaan badan ku leeyihiin goobahaas, balse ay ku haystaan tirro xubno ah.

Deni oo carabka ku dhuftay in xukuumadiisa ay ka go'an tahay adkeynta nabad-gelyadda iyo la dagaalanka xagjiriinta ayaa rajeeyay "siddii Puntland looga ciribtiray burcad-badeeda loo tirtiro argagixisadda".

DP World iyo dowlada Puntland ayaa kala saxiixdey heshiis lagu balaarinayo marsada Booaaso, balse waxaa fulinta qandaraaskaas ku yimid dib-u-dhac uu ka warbixiyey madaxweyne Saciid Cabdullaahi.

"Waa sax dekada Boosaaso heshiis ayay la gashay oo ku saleysanaa in ay balaarin ku sameyso. Nasiib darro, heshiiskaas siddii la filayey uma uusan hirgelin. Caqabado laga garaabi karo iyo kuwa aan laga garaabi karinba waa ay jiraan," ayuu hoosta ka xariiqay Deni.

Wuxuu raaciyey: "Kuwa ugu waaweyn ee laga garaabi karo mudadii aan joogney waxaa kamid ah dilkii maamulihii dekada Boosaaso oo nin ajnabi ah ahaa oo Paul la oran jiray ayaa argagixisadu ay dileen.

"Waxaan fileynaa in dilkiisu aanu argagixiso caadi ah aanu ahaynee oo uu ahaa dil qorsheysan oo assassination, oo loogu talagalay in lagu curyaamiyo dekada iyo qorsheyaasheeda, dabcan aad baan uga xunahay dadka ka shaqeynaya horumarka Puntland in ay waxyeeleeyaan, waana ka garaaneynaa arrintaasi, qofkasta oo wax garanaya waa garan karaa cidda howshaasi ay ka imaaneyso," ayuu ka dhawaajiyey madaxweynuhu.

Maamulka sarre ee shirkada laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayuu tibaaxay in ay kala hadleen arrintaas isla markaana ay rajeynayaan in la gaaro xal kama dambeys ah oo qancisa labada dhinac.

Isagoo ka gaabsaday in uu fahfaahin ka bixiyo "dedaalada socda" ee ku aadan latacaalida caqabadaha jira, Deni ayaa kalsoonida ka muujiyey in dhowaan isbedel la taaban karo lagu sameeyo marsadda.

Dhanka kale, madaxweynaha oo meesha ka saarey in la kordhiyey canshuurta ayaa tibaaxay in talaabooyinka ay haatan waddo wasaarada Maaliyadda ay yihiin kuwa lagu kordhinayo dakhliga gudaha.

Majaladda afka dheer ee New York Times oo sanadkii hore qaraxaas la xiriiriyey Qadar ayaa sheegay in ujeedku ahaa curyaaminta horumarinta dekada. Xukuumada Dooxa way iska fogeysay eedeyntaas.

Iyaddoo xukuumada Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaad Qadar, dowlada Puntland ayaa ku adkeysatay in ay baareyso dhacdadaas isla markaana ay dadweynaha iyo saxaafada u soo bandhigi doonto natiijada baarista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM