Dowlada Puntland oo naqdisay shirka Farmajo iclaamiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan shirka uu ku dhawaaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay "in aan lagala tashan" in wadahadaladda ka dhacayaan magaaladda Garowe.

Sidda ku xusan qoraalkaas, Puntland ayaa ku talineysa in shirka uu ku qabsoomo magaaladda caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho.

"PL waxay soo dhoweynaysaa Shirka lagu baaqay 15 Feb, inkasta oo aan lagala tashan in Garowe lagu qabto. Maadama uu dhamaaday muddo xileedkii Hay’adaha DFS waxay ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho ayna kasoo qeybgalaan Saamileyda Siyasada iyo Beesha Caalamka. @UNSomalia," ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulanka ku dhawaaqay isaga oo aan latashiyo ballaaran la sameyn madaxda shanta maamul goboleed.

Farmaajo ayaa horey ugu guuldareystay in uu tanaasul ka sameeyo qodobada xudunta u ah khilaafka coddeynta 2020-21 kadib wadahadaladii ugu dambeeyay ee ku qabsoomay Dhuusamareeb.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo quudareyneysa in uu Farmaajo dib u soo laabto ayaa diidan in miiska wadahadalka ay kusoo biiran xubnaha Musharaxiinta, Beesha Caalamka iyo qeybaha bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM