Puntland oo shaacisay qorshe muhiim u ah dadka isaga shakiya fayruska

Image

GAROWE, Puntland – Magaalooyinka Puntland ayaa laga sameynayaa xarun caafimaad oo qofka kasta oo isaga shakiya Covid-19 uu tagayo si loo siiyo talo bixin ku saabsan talaabooyinka uu qaadayo.

Guddiga wacyi-gelinta ka hortagga Coronavirus ee Puntland ayaa qorshahaas kusoo bandhiga warbixintooda maalinlaha ee 18-ka, April, 2020.

Talaabadaan ayaa ujeedkeedu yahay siddii looga gaashaaman lahaa faafitaan deg-deg ah oo bulshadda uu ku dhex-sameeyo.

Degaanada Puntland ayaa nan wali laga soo sheegin xaalado la xiriira cudurkaas dilaaga ah, balse waxaa baaritaan loo diray laba qof kuwaas oo natiijadooda ay soo bixi doonto maalmaha soo aadan.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska Coronavirus ayaa gaaraya 135. Badankooda waxay ku sugan yihiin magaala madaxda Muqdisho. Rag iyo dumar ayay isugu jiraan, kuwaas oo aan safar gelin.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa dadweynaha waxay ku boorisay in ay guriyahooda joogaan, una hogaan-samaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya xirfadlayaasha iyo ruuxadeeda.

Dhanka kale, warbixinta guddiga Puntland ayaa muwaadiniinta dibadda iyo gudaha ku sugan ku booriyey in ay ka qeyb-qaataan kaalamada Sanduuqa taakulada iyo Ka hortagga xanuunka dilaaga ah.

Warbixinta guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM