Puntland oo shaacisay sababta ay u diidey Sharciga Batroolka Soomaaliya
GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa qodobeysay sababta ay uga soo horjeedo Sharciga Batroolka Soomaaliya oo ay meelmariyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.
Hindise sharciyeedkan ayaa loo gudbiyey madaxweyne Farmaajo oo qorshuhu yahay in uu saxiixo, wallow loogu baaqay in uu tixgeliyo mucaaradka xoogan ee uu wajahayo xeerka.
Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay Puntland oo nuqul kamid ah uu arkay GO, xeerkan ayaa ka hor-imaanaya qodobo ku jira Dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya.
Hoos ka akhriso qoraalka Puntland
GAROWE ONLINE