​Puntland oo shahaado siisay Save The Children

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, ayaa shahaado sharaf Guddoonsiiyay hay'adda Save The Children kadib markii ay door muhiim ah ka cayaartay gurmadka loogu jiro dadka abaaru saameeyeen ee ku sugan gobollada dhaca Bariga ee maamulkaasi.

Hay'addan ayaa sidoo kale noqotay middii ugu horaysay oo tagtay goobaha dadku u hayaameen iyadoo kasoo qaaday xogo ku saabsan baahida shacabkaas islaamrkaana howgalisay kooxo ka shaqaynaya caafimaadka iyo quudsiinta dadka tabaalaysan.

Cabdixakiim Cumar Camay oo shahaada siiyay Save, ayaa xusay intahay arrin lagu farxo tallaabada ay qaadeen isagoo ku bogaadiyay howlaha wanaagsan ee ay dalka ka hayaan, wuxuuna ka codsaday inay sii labo jibaaraan taakulaynta ay wadaan.

Agaasimaha Save the Children ee Somalia, Hassan Nuur oo ka gudoomay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland abaal marintaas, ayaa mahadcelin usoo jeediyay dowladda iyo garashadeeda ku aadan inay shahaado sharaf siiyaan wuxuuna sheegay inay hay'addu halkeeda kasii wadi doonto gurmadka iyo caawinta Ummadda Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM