Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsan doonin Maamulka Galmudug

Image

June 25, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay inaysan aqoonsan doonin, wax wada-shaqeyn ahna la yeelan doonin maamulka loogu magac daray Galmudug ee loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta si weyn loogu gorfeeyey arrinta gobollada dhexe, waxaa sidoo kale lagu cambaareeyey Guddoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa Jawaari ku tilmaamay inuu jebiyey shuruucda dalka islamarkaana cadeystey cadaawadda uu u hayo dadka reer Puntland, waa sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM